Maamulka Garbahaareey oo shirkadaha diyaaradaha uga digay iney soo qaadaan guddigii uu magacaabay Rooble.

Mar 7 (Jowhar.com)-Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka magaalada Garbahaareey oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa digniin u diray maamulada shirkadaha diyaaradah, iyagoo sheegay iney talaabo ka qaadi doonaan cidii soo qaada guddigii uu ra’iisul wasaare Rooble u magacaabay qiimeynta xaalada xarunta gobolka Gedo.

Guddoomiye Ku Xigeenka degmada Garbahaareey Aadan Siraad Maxamuud ayaa sheegay in garoonnka diyaaradaha uu u furan yahay oo kaliya iney ka soo dagaan gudiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan, balse aysan ogolaaneynin in guddiga uu hoggaamiyo gudoomiye Cumar Dhagey ay soo dagaan.

Amniga magaalada Garbahaareey ayey sheegeen inuu yahay mid wanaagsan, iyagoo doodooda ku xoojiyay socdaaladii ay magaalada ku tageen ra’iisul wasaare Rooble iyo Taliyaha booliska Jeneraal Xijaar oo ah shaqsiga ugu sareeya amniga guud ee doorashada dalka.

Si kastaba, hadalkan ayaa ku soo aadayay xili maalinimada beri oo Talaada ah la filayo iney magaalada Garbahaareey tagaan xubnaha uu ra’iisul wasaare Rooble u magacaabay qiimeynta in doorasho lagu qaban karo magaalada, iyadoo wafdigan dhawaan ay ka soo laabteen magaalada Kismaayo.

Garbahaareey oo ah magaalada deegaan doorashada labaad u ah maamulka Jubaland waxaa taala 16 kursi, waana mid kamid ah caqabadihii hareeyay doorashooyinka dalka oo dhowr jeer dib uga dhacay mudadeeda, lama oga sida ay noqon doonto xaalka magaaladaasi ay isku hayaan dowladda dhexe iyo Jubaland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More