Maamulka gobolka Banaadir iyo laamaha amniga oo shir deg deg ah isugu yimid

April 20 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka daadijinta Amniga Caasimadda oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Wasaarada Amniga XFS Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Taliyaha Hey’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin.

Shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saaray Dar dargelinta Amniga Caasimada, Daadijinta Amniga ee her waaxeed, Isku xerka laamaha amniga, bulshada iyo maamulada degmooyinka iyo in si wadajir ah loola dagaalamo wax weliba oo ka hor imaanaya Amniga Caasimadda.

Maamulka iyo Saraakiisha shirka ka qeyb gashay ayaa isla qaatay in Qashinka uu qeyb ka yahay Amni darradda, iyadoona Guddoomiyaha G/Banaadir uu faray Maamulada Degmooyinka in la iskula xisaabtami doonno Nadaafada iyo Bilicda Caasimadda, isla markaana magaalada laga sifeeyo guudka loo yaqaan (Geed Yahuudka) iyo in ay ganaax la kulmaan dadka ku xad-gudba Nadaafada iyo Bilicda Caasimadda.

Shirkan oo daba socda shirkii dhawaan 17 Bisha April ka dhacay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo uu guddoomiyay Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Saraakiisha fadhiyada madaxa Banaan iyo Taliyeyaasha Boliiska iyo Nabad sugida Saldhigayada Degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More