Maamulka Hirshabelle oo amar ku soo rogay diyaaradaha ka soo degaya Jowhar iyo Beledweyne

Wasaaradda Amniga Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa ku wargeliyay diyaaradaha ka soo degaya garoomada diyaaradaha magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne inaysan keeni karin wax hub ah maadaama la guda galayo doorashada golaha shacabka.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Amniga Hirshabelle ayaa uga digtey diyaaradaha in tallaabo laga qaadi doonaan haddii ay u hoggaansami waayaan amarka ka soo baxay Wasaarada Amniga Hirshabelle.

Amarkan ayaa soo baxay saacado kadib markii uu maanta gaaray magaalada Jowhar mid kamid ah xildhibaanada golaha shacabka oo lagu magacaabo Yuusuf Ibraahim oo loo yaqaan “Yuusuf Kabaale” kaasoo ka dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar hub iyo ciidan faro badan.

Sidoo kale xildhibaan Yuusuf Kabaale oo sheegay inuu yahay musharax ayaa shalay ka dejiyay magaalada Jowhar diyaarad ay saaran yihiin ergooyinkii dooran lahaa,iyadoo aan weli guddiga doorashooyinka Hirshabelle ku dhawaaqin kuraasta ugu horeysa ee lagu dooranayo magaalada Jowhar.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Wasaarada Amniga Hirshabelle;

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More