Maamulka Hirshabelle oo si kulul uga jawaabay war ka soo yeeray Wasiirka Caddaalada Puntland

Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa si kulul uga jawaabay war ka soo yeeray Wasiirka caddaalada dowlad goboleedka Puntland oo ku tilmaamay Maamul goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug kuwo aan meelna xukumin oo magac u yaal ah.

Wasiirka Ow-Qaafta iyo arrimaha diinta dowlad goboleedka Hirshabelle Xildhibaan Abuukar Xasan Cali oo ka hadlay magaalada Jowhar ayaa sheegay in hadalkaasi uu yahay qadaf aan loogaga baahneyn in uu ku hadaaqo qof sheeganaya xil wasiir.

“Qofka naftiisa cajab gelisa oo kuwa kale uu ka dhigo kuwo aan jirin oo ducafo ah maamulada kale ka dhigo kuwo aanmeel ka talin,waa inuu bartaa Kalaamka Alle.”ayuu yiri Wasiir Abuukar Xasan Cali.

Sidoo kale Wasiirka u hadlay maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu sheegto inuu yahay hormuudka maamul goboleedyada balse uu yahay mid u dhaqma si aan sharci ahayn.

“Federaalisku macnihiisu ma aha inaad caburiso saxaafada,federaalismku macnihiisu ma aha in aad u dhaqanto si inaad ka sareyso dowlada federalka iyo maamul goboleedyada,Federalisimka macnihiisa ma aha in Muqdisho oo caasimada dalka ah aad ajnabi ka dalabto in ammaankaada sugo,Federalismku macnihiisa ma aha in labo madaxweyne goboleed oo isku hayb ah ay isbaaro u dhigtaan Masiirka Ummada Soomaliyeed.”ayuu yiri Wasiir Abuukar Xasan Cali Maqaney.

Warkan ka soo baxay Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ku soo beegmaya xili magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin madaxda maamul goboleedyada dalka Soomaaliya iyagoo yeelanaya kulamo loogaga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More