Maamulka Hirshabelle oo u magacaabay Guddoomiye cusub degmada Buuloburte

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu guddoomiye cusub u magacaabay degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa Axmed Mahad Nuur loogu magacaabay Gudoomiyaha degmada Buulo Burde, halka xilkii laga qaaday Guddoomiyihii degmadaas Feysal Haajir Aadan oo maalmo ka hor uu Shaqa joojin ku sameeyay Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed).

Halkan hoose ka aqriso wareegtada ka soo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More