Maamulka Koofurgalbeed oo diyaarado ku soo daadgureeynaya dadkii laga soo musaafuriyay Laascaanood

Maamulka Koofurgalbeed ayaa qorsheynaya inuu diyaarado ku soo daadgureeyo dadka laga soo masaafuriyay deegaano ka tirsan magaalada Laascaanood ee Maamulka Somaliland.

Wafdi heer wasiiro ah oo ka socda Maamul goboleedka Koofurgalbeed ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo si ay u qorsheeyaan sidii qoysaskaasi la soo masaafuriyay ay u geyn lahaayeen deegaanada ay ka soo jeedaan.

Wasiirada ka socda Koofurgalbeed ee gaaray Gaalkacyo ayaa kulamo la yeeshay guddi uu maamulka Puntland u saaray kaalmada qoysaskan.

Guddiga ayaa qorsheeyay in goobo gaar ah la isugu geeyo dadkaan laga soo dhex bixiyay hantidooda iyo hoygooda si diyaarado loogu qaado loona gaarsiiyo magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee Dowad Goboleedka Koofur Galbeed.

Waxaa jira cabsi laga qabo in dad kale laga soo masaafuriyo magaalooyin ku yaal Somaliland.
Maamulka gobolka Sanaag ayaa u qabtay muddo 14 cisho ah dadka ka soo jeeda koofurta Soomaaliya ee degen magaalada Ceerigaabo inay isaga baxaan magaalada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More