Maamulka Puntland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida oo heshiis gaaray

Mas’uuliyiin ka kala socotay Puntland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Galdogob waxa ay ugaga hadleen arrimo ay ka mid yihiin wadashaqeynta Amniga, ganacsiga, cashuuraha iyo xoojinta iskaashiga Puntland iyo Dowlad Deeganka Soomaalida Itoobiya.

Shirkan waxa ka qayb galay madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Ganacsiga ,maamulka gobolka Mudug iyo Hay’adaha amniga gobolka Mudug, halka dhanka DDS Itoobiya u matalaayeen Guddoomiyaha gobolka Doollo, guddoomiyayaashii degmooyinka Bookh, Galxamur, Galaadi,Danood iyo hay’adaha amniga ee gobolka.

Wararka waxa ay sheegayaan in shirkan intii uu socday ayaa la isla gartay in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagaxisada iyo falalka kale ee amniga labada dhinac lidka ku ah.

Shirkan ayaa gabagabadiisa laga soo saaray warmurtiyeed ay si wada jir ah usoo saareen Puntland iyo DDSI.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More