Maamulka Puntland oo ka hadlay dil loo geystey guddoomiye degmo

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hadashay dilka guddoomiyihii hore ee degmada Balli-Dhidin ee gobolka Bari oo ay xalay ku dileen degmadaas rag bastoolado ku hubeysan.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in dilka guddoomiyah ay aad uga xun yihiin maamulka Puntland ayna baaritaan ku sameyn doonaan ciddii ka dambeysay.

Sidoo kale maamulka Puntland ayaa tacsi u direy qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuumka oo ahaa oday si weyn looga yiqiin deegaanka uu madaxda ka ahaa.

Dilka guddoomiyihii degmada Balli-Dhidin ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen ururka Daacis hoo saldhigyo ku leh gobolka Bari ee Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More