Maamulka Puntland oo ka soo horjeestey go’aan ay soo saareen Isimada Puntland

Madaxtooyada Puntland ayaa ka hortimid go’aan Isimada ay soo saareen ee ahaa in hubka, gaadiidka iyo hantida Ciidanka PSF uu qaato Agaasimihii hore PSF Maxamuud Diyaano, waxaana lagu tilmaamay in arrintaas meel ka dhac ku tahay sharafta Dowladnimo khatarna gelineysa amniga iyo xasilloonida Puntland.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu amray taliyihii xilka laga qaaday Maxamuud Cismaan Diyaano inuu si dhaqso ah ku wareejiyo hubka iyo ciidamada PSF taliyaha uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Saciid Deni.

Kulan ay yeesheen Isimada Puntland ayaa ka soo saaray qodobo ay ku doonayeen inay ku qaboojiyaan xiisada ka dhalatay xilka qaadista taliyihii ciidamada PSFta.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Dowlad Goboleedka Puntland.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More