Maamulka Somaliland oo beeniyay in arday loo diley calanka Soomaaliya awgii

Maamulka Somaliland ayaa beeniyay war sheegaya in wiil arday ahaa ee gelinkii dambe ee shalay lagu toogtay magaalada Boorama ee gobolka Awdal loo diley calanka Soomaaliya uu xirnaa oo kaliya.

Ardaygaas oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdishakuur oo wax ka baranayey jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama ayaa waxaa toogtay askari ilaalo ka ahaa jaamacadda.

Duqa magaalada Boorama Maxamed Axmed Warsame aya sheegay in toogashada ka dhacday irridda hore ee laga galo jaamacadda oo uu ku sugnaa askariga wax toogtay.

“Xaqiiqda meesha ka jirtaa waa arday moobil ku soo ilaaway jaamacadda, wax calan ah iyo wax hawshaasi khuseeyana maba ahayn” ayuu yiri duqa magaalada Borama.

Ardayga la toogtay ayaa la sheegay in teleefoon uu ku soo ilaaway gudaha jaamacadda, ka dibna uu dib ugu laabtay jaamacadda si uu teleefoonka u soo qaato balse waardiyihii jaamacadda ayaa u sheegay in aan la geli Karin jaamacadda oo uu dhammaaday waqtigii waxbarashada, muran ka dibna uu sidaas ku toogtay.

Askarigii falkan toogashada ah gaystay ayaa gacanta la sheegay in Boolisku qabteen oo ay xireen sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen maamulka magaalada Boorama.

Ardaygan la diley ayaa ka mid ahaa ardayda sanadka labaad wax ka baranaysay Jaamacada Camuud gaar ahaan kuliyadda injineerinka waxana uu ka soo jeeday magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More