Maamulka Somaliland oo maxaabiis u cafiyay Munaasabada Ciidul Adxa awgeed

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto madaxweyne cafis ugu fidiyay 279 maxbuus oo ah maxabiista danbiyada fudud galay farxada munaasibada Ciidal Odxada awgeed.

Wareegtada uu madaxweynuhu cafiska ku fidiyay ayaa lagu sheegay in cafiskani wax saamayn ah ku lahayn xuquuqda madaniga ah iyo raaadka ciqaabeed ee ka dhalanaya danbiyada ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92aad ee xeerka ciqaabta guud.
Xabsiyada Maamulka Somaliland ayaa la sheegay inay ku jiraan maxaabiis faro badan kuwasoo dambiyo kala duwan ku xukuman.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More