Maamulka Somaliland oo xabsiga sii daayay 12 Saxafi

April 19 (Jowhar.com) -Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa waxaa uu xabsiga ka sii daayay 12 ka mid ahaa 15 Suxufi oo u xirnaa 6 cisho kaddib markii Ciidamada Booliiska ay kasoo qabteen afaafka hore ee Xabsiga Hargeysa.

Hase yeeshee Maamulka Somaliland ayaa weli xabsiga ku haya saddex ka mid ah saxafiyiintii uu hore u xirxirey.

Saddexda Suxufi ee aan la deyn waxa ay kala yihiin: Maxamed Cabdi Ilig, Cabdijibaar Maxamed Xuseen iyo Cabdiraxmaan Cali Khaliif, ma jirto faah-faahin laga bixiyay sababta loo reebtay saddexdaas Wariye.

Sii deynta saxafiyiintan ayaa timid kadib markii maamulka Somaliland cadaadis xoog leh lagu saaray xariga saxafiyiinta.

Saxafiyiinta la xirey ayaa toddobaadkii hore waxa ay ku gudo jireen howlahooda shaqo kadib markii shaqaaqo ay ka dhacday gudaha xabsiga magaalada Hargeysa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More