Saturday, August 8, 2026
Home NEWS Maamulka Soomaaliland oo ka hadlay qarax ka dhacay Hargeysa

Maamulka Soomaaliland oo ka hadlay qarax ka dhacay Hargeysa

55

Aug 08 (Jowhar)-UMaamulka Somaliland ayaa war ka soo saaray qarax xalay ka dhacay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka la magac baxay Somaliland.

War ka soo baxay Ciidamada Booliska Maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in qaraxan uu ahaa mid ka dhashay bambo-gacmeed.

“Waxay bambo-gacmeed ku qaraxday goob ay fadhiyeen laba askari oo ka tirsan Ciidanka Milatariga Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna sababtay dhaawaca laba askari iyo laba qof oo shacab ah oo ku sugnaa goobta. Dhammaan dadka dhaawacmay waxa loo gudbiyey Cisbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa”.ayaa lagu yiri warka ka soo baxay ciidanka Somaliland.

Warkan kooban ee ka soo baxay ciidamada ayaa sidoo kale lagu faahfaahiyay sababta keentay in bambo-gacmeedku ay qaraxdo.

“Bambo-gacmeedka ayaa dhulka kaga dhacay mid ka mid ah askarta dhaawacantay, mana jirto wax ujeeddo ah oo loo tuuray bambo-gacmeedka, waxaana socda baadhitaan dheeraad ah”.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri: “Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si cad u beeninayaa wararka marin-habaabinta ah ee lagu baahiyey baraha bulshada ee sheegaya in qarax ka dhacay magaalada Hargeysa”.