Maamulka Waqooyi Bari oo si kulul uga hadashay duqeyntii lagu dilay Caaqil Cumar

0
63

Sep 16(Jowhar)-Dowlad Goboleedka cusub ee Waqooyi Bari ayaa cambaareeysay dilkii Caaqil Cumar Cabdullaahi Ibraahim oo duqeyn diyaaradeed lagula beegsaday meel u dhaw Degmada Ceelbuuh ee Gobolka Sanaag.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka ayaa lagu sheegay ineysan ilaa hada garaneynin cida sida rasmiga ah Nabadoonka u dishay.

“Dilka nabadoonka oo ay geysteen diyaarado aan la garanyn haybtooda waa arrin dhaawac ku ah nabadda iyo xasiloonida shacabka Waqooyi Bari iyo guud ahaan shacabka Soomaliyeed.”

Akhri warsaxaafadeedka oo dhammeystiran.