Saturday, February 7, 2026
Home NEWS Maamulka Waqooyi Bari oo si kulul uga hadashay duqeyntii lagu dilay Caaqil...

Maamulka Waqooyi Bari oo si kulul uga hadashay duqeyntii lagu dilay Caaqil Cumar

1895

Sep 16(Jowhar)-Dowlad Goboleedka cusub ee Waqooyi Bari ayaa cambaareeysay dilkii Caaqil Cumar Cabdullaahi Ibraahim oo duqeyn diyaaradeed lagula beegsaday meel u dhaw Degmada Ceelbuuh ee Gobolka Sanaag.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka ayaa lagu sheegay ineysan ilaa hada garaneynin cida sida rasmiga ah Nabadoonka u dishay.

“Dilka nabadoonka oo ay geysteen diyaarado aan la garanyn haybtooda waa arrin dhaawac ku ah nabadda iyo xasiloonida shacabka Waqooyi Bari iyo guud ahaan shacabka Soomaliyeed.”

Akhri warsaxaafadeedka oo dhammeystiran.