Dec 07(Jowhar)-Maamulka Woqooyi-bari ayaa ka hadlay shirka maamullada Koonfurgalbeed, Galmudug & Hirshabeelle oo aysan ka qayb-gelin iyo shirka Kismaayo oo aysan u socon, iyada oo wasiir ku-xigeenka Arrimaha-gudaha WBS, Cali Axmed Cali uu ku tilmaamay in Laftagareen, Qoorqoor & Guudlaawe koox Farmaajo oo dib-u-midobaysa, halka Puntland & Jubbaland uu xusey in aysan mucaaradnimo waxba ku dheefin.
“Maamul goboleedyada [Koonfurgalbeed, Galmudug & Hirshabeelle] ee shalay ku shiray Xamar, Firdhiye uma tegin waayo danta reer-kiisa isaga ka yaqaan nin kasta, koox kale [Puntland & Jubbaland] Kismaayo ayey aadayaan, miyaan raacnaa? Maya danta reer-keena maaha taana.
Maamulada sadexda ah in ay kuraasta ku fadhiistaan waxa ka shaqeeyey madaxwaynihii 9aad [Farmaajo] oo ahaa saaxiib kood sida maanta inaga uu Madaxwayne Xasan u yahay bud-dhigaha WBS.
Hadda waxaa laga yaabaa in aan aragno saddex-daa maamul oo shirka kismaanyo aadeen, sababta oo ah bud-dhigahoodii Musharrax Farmaajo, waa kooxdii oo dib u midowday…. innaga maxaa diidaya in aan la shaqayno Madaxweyne Xasan ilaa dhammaadka, haddii uu guuleysto mulkiile ayaan nahay, haddii kalena cidda Villa-Somalia timaada la shaqaynteedu waa danta reerkaaga ayaa la dhahaa.
Shacabku ha is weydiiyo maamullada dowlad kasta la dagaalkamay waxa ay faaiidaan.” — Wasiir Cali Axmed Cali.










