Maandooriye faro badan oo lagu gubay duleedka magaalada Muqdisho

Apr. 06 (Jowhar.com)-Waxaa meel fagaare ah lagu gubay 31 jawaan oo maandooriyaha xashiishada ah kuwaasoo lagu soo qabtay iyadoo la doonayo in la soo geliyo magaalada Muqdisho.
Maandooriyahan oo lagu soo raray baabuur Caasi ah ama Mini Bus ayaa la sheegay inuu la socday oo uu wehelinayay gaari nooca dagaalka ah oo ay saaran yihiin ciidamo.

“Waa nasiib darro in gaadiidkii ciidanka iyo hubkii ciidanka in lagu fasahaadiyo oo daroogo looga shaqeeyo,waxaana laga badbaaday in dagaal uu ka dhaco qabashada balse waxaan leenahay madaxda ciidamada inay tallaabo ka qaadaan dadka sida xun ugu adeeganaya dharka ciidamada.”ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in gaadiidkii lagu qabto iyadoo lagu wado maandooriye in ganaax xoog leh la dul dhigi doono.

Maandooriyaha Xashiishka ayaa lagu beeraa deegaano ka mid ah gobolada Shabelaha Dhexe iyo Shabelaha Hoose iyadoo loo iibgeeyo deegaano badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Gubista maandooriyaha xashiishada ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaha Deegaanka Gubadleey Cabdullaahi Nuur Maxamuud (Kaalibey) iyo Taliyaha Qeybta Bari ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Aadan Maxamed Caraale (Macalin Aadan).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More