Macalimuu;”Warka ka soo baxay madaxweynihii hore waa mid baalmarsan dastuurka”

Afhayeenka xukuumada ayaa ka hadlay qoraal xalay ka soo baxay xafiiska Farmaajo waxana uu ku tilmaamay mid baalmarsan dastuurka iyo sharciga dalka.

Waxa uu afhayeenku sheegay in ra’iisul wasaaraha uu howlihiisa caadigaa ah si toos ah u wato balse waxa uu xusay inuu jirey isku day lagu doonayay in lagula wareego xafiiska ra’iisul wasaaraha

“Warka ka soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.”ayuu yiri Macalimuu.

“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah.”ayuu sii raaciyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More