Madaafiic ku dhacday Madaxtooyada xilli uu Salaad Ciida tujinayay Madaxweyne Ashraf

Gantaallo ayaa ku dhacay meel u dhow madaxtooyada Afghanistan ee Kabul intii lagu jiray salaadda ciidda Muslimiinta ee Ciidul Adxaa iyadoo salaadana Iimaam ka ahaa Madaxweynaha wadankaas Ashraf Ghani.

Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa sii watay salaada in kasta oo qaraxyo badan oo xoogan ay ka dhaceen meel aan ka fogeyn madaxtooyada.

Gantaalaha, oo la ridayay ugu yaraan 8-da subaxnimo (03:30 GMT) ayaa laga maqlay guud ahaan aaga cagaaran ee aadka loo ilaaliyo oo ay ku yaalliin qasriga iyo dhowr safaaradood, oo ay ku jiraan howlgalka Mareykanka.

Ghani ayaa markii dambe khudbad ka jeediyay fagaaraha banaanka, oo laga sii daayay warbaahinta gudaha.

Afhayeenka wasaarada arrimaha gudaha Mirwais Stanekzai ayaa sheegay in ay gantaalo gaaraya saddex ay cadowga Afghanistan ku weerareen caasimada Kabul.

Ma jiro wax khasaare ah oo ay geysteen gantaaladan sida uu sheegay afhayeenka u hadlay xukuumada Afghanistan.

Gantaallo ayaa dhowr jeer oo hore lagu bartilmaameedsaday xarunta madaxtooyada, iyadoo kii ugu dambeeyayna uu ahaa bishii Diseembar.

Weerarka ayaa ku soo beegmaya iyadoo guud ahaan dalka ay ka socdaan duulaano xoog leh oo ay qaadayaan xoogaga Taalibaan iyada oo ciidamada shisheeye ay ka bixitaankooda la qorsheeyay in la soo gabagabeeyo 31 Ogosto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More