Madaafiic lagu weeraray caawa magaalada Jowhar

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in qaraxyo laga maqlayo bartamaha magaalada Jowhar gaar ahaan agagaarka Madaxtooyada Hirshabelle.

Dad ku sugan magaalada Jowhar ayaa sheegaya inay maqlayaan hoobiyaal ku soo dhacaya magaalada iyadoo aan la ogeyn halka ay ka soo dhacayaan.

Waxaa soo wajahday dadka ku nool magaalada Jowhar cabsi faro badan iyadoo xalay bam lagu weeraray guri ay degenaayeen xildhibaano.

Weerarka bamka ah ayaa waxaa xalay ku dhaawacmay saddex xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More