Nov 12(Jowhar)-Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta, Jubaland iyo Puntland ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray shir saddex maalmood uga socday magaalada Nairobi.
Sida ay sheegeen, Shirka ayaa lagu falanqeeyay xaaladda dhinacyada siyaasadda iyo amniga dalka iyo u diyaar garowga doorashooyinka 2026.
Goluhu wuxuu go’aamiyay in shirweynahiisa uuka dhaco gudaha Soomaaliya, kaasoo xooggiisa la isugu geyn doono in doorashooyinka federaalka ay ku dhacaan waqtigooda.
Waxay digniin u direen Madaxweyne Xasan, iyagoo ka digay ku takrifalka awoodda, wax ka beddelka sharci darrada ah ee Dastuurka, iyo carqaladeynta nidaamka federaalka.
Goluhu si cad ayuu uga soo horjeestay wax ka beddelka Dastuurkii 2012, Damaca muddo kororsi, iyo doorashooyin aan heshiis lagu ahayn.
Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka ayaa shacabka ugu baaqay midnimo iyo wadajir si loo badbaadiyo mustaqbalka dalka.












