Madasha Samata-bixinta oo digniin adag kasoo saaray boobka dhulka Jaamacadda Ummadda

0
1

Sep 10(Jowhar)-Madasha Samatabixinta ayaa si adag u cambaareysay boobka ka socda Dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), gaar ahaan xarunta jiifka ardayda iyo kulliyadda caafimaadka.

Madashu waxay sheegtay in xarumaha tacliinta iyo ciidamada oo la boobaa ay dhaawacayaan aasaaska dowladnimada iyo hantida qaranka, iyadoo arrintan ku tilmaantay sharci-darro cad oo ka hor imaanaysa Dastuurka dalka. Waxay sidoo kale xuseen in ciidamada qaranku ay ka qeyb qaateen boobkan, taas oo ay ku tilmaameen dhaawac weyn oo ku dhacaya sumcadda ciidamada.

Madashu waxay sheegtay in Madaxweynaha lagula xisaabtamayp boobkan hantida-qaran, xilli muddo xileedkiisa ay ka harsan yihiin bilo kooban.