Madax hore oo digniin culus ka soo saartay mudo kordhin loo sameeyo dowladda
Mar. 08 (Jowhar.com)-Bayaan wadajir u soo saareen Madaxweynihii hore Shariif, Ra’iisul Wasaarayaashi hore, Xasan Kheyre, Cumar C/rashiid, C/weli Gaas, Guddoomiyihii hore Baarlmaanka Shariif Xasan iyo C/qaadir Cosoble ayaa waxay ka digeen muddo kordhinta ay wadaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in aanay jirin baahi hadda taagan oo loo qabo in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka oo ujeedadiisa tahay muddo kordhin.
waxa ay ugu baaqeen Madaxweyne Xasan Sheekh inuu arrintan xagal daacinta ah uu dalka iyo dadka ka badbaadiyo, maadaama uu yahay ilaaliyaha iyo Horumariyaha Mabaadiida aas aasiga ah ee Dastuurka.
Si kastaba, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa wado dadaalo wax ka bedel loogu sameynayo qodobo kamid ah dastuurka oo ay kamid tahay in mudo xileedka dowladda laga dhigo Shan sano halka uu haatan ka yahay afar sano, arrintan ayaa diidmo durba loogala horyimid.