Madax hore oo war ka soo saartay dagaalkii Baydhabo iyo xiisadda wali taagan.

Dec. 24 (Jowhar.com)-Siyaasiyiin hore xilal muhiim ah uga qabtay dowladda Soomaaliya ayaa wada hadal ugu baaqay ugu baaqay maamulka koofur galbeed iyo siyaasiyiinta uu khilaafku Siyaasadeed ka dhaxeeyo.

Khilaafkaas ayaasababay iska hor imaad iyo dagaal ka dhacay magaalada Baydhabo oo ay ku dhinteen dad 10 ruux ku dhow.

Siyaasiyiinta baaqan soo saaray ayaa kala :

Sheekh Shariif Sheekh Axmed , Madaxweynihii hore ee Soomalaiya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre– Ra’iiul wasaarihii hore ee Soomaaliya Iyo Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo isna ka mid ra’iisul wasaareyaashii soo maray Soomaaliya.

Siyaasiyiintaas ayaa baaqoooda ku sheegay in xilligan Soomaaliya ay dagaal kula jirto Al-Shabaab ayna nasiib darro tahay sida ay yiraahdeen in dalka soomaaliya uu manta ka dhaco dagaal aan ahayn kan lagula jiro Al-Shabaab.

Waxayna tacsi u direen dadkii ku dhintay iyagoo caafimaadqab Ilaah ug baryeyy intii kale ee ku dhaawacaantay .

Waxay ugu baaqeen dhammaan siyaasiyiinta iyo maamulka Koonfur Galbeedin dhabbaha wadahadalka la qaado laguna qanco in Koonfur Galbeed laga hirgaliyo doorasho la isla oggol yahay.

Shaley ayay aheyd markii dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxa ay ku sheegtay inay ka xun tahay shaqaaqooyin gacan ka hadal ah oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More