Madaxa ATMIS, Safiirka Uganda iyo saraakiil ciidan oo booqatay dhaawacyada askartii Buula-mareer

Jun. 06 (Jowhar.com)-Wakiilka Gaarka ah ee Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya (ATMIS), Danjire Mohamed El-Amine Souef ayAa ku booqday isbitaalka heerka labaad ee ATMIS ciidamadii dhowaan ku dhaawacmay weerarkii Shabaab magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Danjire Mohamed El-Amine Souef waxaa wehelinayay  Ku-simaha Safiirka Uganda ee Soomaaliya, Sarreeye Gaas (hg) Nathan Mugisha, iyo Taliyaha ciidamada ATMIS Sarreeye Guud Sam Okiding, iyagoo mid mid u wareystay ciidamada dhaawaca ah oo ay ka wareysteen xaaladooda.

Waxa ay balanqaadeen iney la socon doonaan xaaladood, isla mar ahaantaasina ay ka shaqeyn doonaan sidii aaney saameyn ugu yeelan leheyn howlaha amni ilaalin ee ka wadaan dalka.

Weerarka Buulo Mareer ayaa waxaa la sheegay in Uganda looga dilay illaa 54 askari, sida uu shaaciyay madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni.

Si kastaba, Weerarkii Buulo Mareer oo dhacay 26-kii bishii hore ee May ayaa kamid noqday mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-Shabaab kala kulmaan ciidamad ATMIS.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More