Madaxda Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland halka Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni uu u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa Muqdisho kaga qeybgalay shirka madasha wadatashiga qaran ee arimaha Doorashooyinka kaas oo lagu gaaray go’aamo khilaaf dhaliyay oo ay ka soo horjeesteen inta badan musharaxiinta madaxweynaha dalka.

Wararka ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in laga yaabo madaxda kale ee maamul goboleedyada dalka ee ku sugan caasimada kuwaasoo kala ah Madaxweynaha Hirshabelle,Galmudug iyo Koofurgalbeed ay maalmaha soo socda dib ugu laabtaan xarumahooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More