Madaxda Maamul Goboleedyada oo maanta la kulmaya Ra’iisul Wasaare Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa maanta la filayaa in ay kulan ku yeesheen hotel ku yaala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kulankan diirada lagu saari doono arrimaha doorashooyinka iyo sida uu ugu dhici lahaa kulanka guud ee loogaga hadlayo arrimaha doorshooyinka jawi degen.

Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa lagu wadaa inuu furmo berri oo Talaado ah iyadoo looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka soo socda.

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in faham horudhac ay gaareen.

Wakiilada beesha Caalamka ayaa wada dadaalo lagu xalinayo ismari waaga ka taagan arimaha doorashooyinka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More