Madaxtooyada oo ka soo horjeesatay in ciidamada dalka ay ka amar qaataan Rooble

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashid Maxamed Xaashi ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay ka amar qaadanayaan Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Farmaajo oo uusan jirin sharci u fasaxaya Ra’iisul wasaaraha inay ciidamada hoostagaan oo amaradiisa ku shaqeeyaan.

Wareysi ay la yeelatay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi waxa uu ku sheegay in dastuurka dalka qodobkiisa 90aad uu qorayo in taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida uu yahay Madaxweynaha ayna hoos tagayaan ciidamada.

Cabdirashiid ayaa waxa wareysiga lala yeeshay uu ku beeniyay in maanta afgambi dhicisoobay uu ka dhacay gudaha Madaxtooyada.

“Arrinta ah afgambi waa waxba kama jiraan waxa laga hadlayo waa fashilka ku yimid doorashada muddo 14 bil ayuu hogaaminayay ra’iisul wasaarahu mucaaradkana waa ay cabanayeen,guddiga doorashooyinka waa kala dhantaalay go’aamo shaqsi u ah ayuu qaatay Ra’iisul wasaaraha,waxana uu ku takrifalay hanti ay ciidamadu leeyihiin waxaana horyaal kiis, maadaama kiis lagu haysto waa inuu ka dabaasho inta ka horeysana sugo inta kiiska dhamaanayso inta ka horeysana waa la hakiyay awoodiisa iyo shaqadiisa.”ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada ayaa sidoo kale beeniyay fal ay ku kaceen ciidamada madaxtooyada oo ah inay isku dayeen inay u diideen ra’iisul wasaaraha iyo wasiiro ka tirsan golaha wasiirada inay galaan xafiisyadooda,waxana uu ammaan badan u soo jeediyay ciidamada ilaalada madaxtooyada oo uu ku tilmaamay inay yihiin ciidamada ugu wanaagsan dalka.

Si kasta ha ahaatee waxaa soo baxaya warar sheegaya in taliyahii ciidamada madaxtooyada in laga xayuubiyay derejada lana xirey oo uu taliyaha ciidamada xoogga dalka uu magacaabay taliye cusub ciidamada madaxtooyada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More