Madaxtooyada oo shaacisay in Farmaajo uu caawa la hadli doono shacabka Soomaaliyeed

Qoraal lagu soo daabacay goor dhow bogga madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha waqtigiisu uu idlaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu caawa khudbad u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed.

Madaxtooyada ayaa ku macneysay qudbada inay tahay mid Farmaajo uga hadli doono xaaladihii u dambeeyay ee dalka iyo arrimaha ku aaddan doorashooyinka.

Warar hoose ayaa sheegaya in Farmaajo laga yaabo inuu ku dhowaaqo in ka laabtay muddo kororsiga uuna dib ugu laaban doono teendhada Afisyoone. Halka warar kale ay sheegayaan in laga yaabo inuu Farmaajo uu iscasilo.

Wixii warar ah oo ku soo kordha kala soco jowhar.com

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More