Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay iney mudo kordhin u raadineyso ATMIS

Apr. 26 (Jowhar.com)-Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay wararka sheegaya iney mudo kordhin laba sano ah u raadinayaan ciidamada ATMIS ee dalkan ka howlgala oo qorshaha ahaa iey dalka isaga baxaan wixii ka dambeeya 31-ka December 2024.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Xuseen Sheekh Cali oo qoraal kusoo daabacay bartiisa Twitter-ka ayaa beeniyay warka uu daabacay wargeyska The East African, waxa uu sheegay in dhamaadka sanadka danbe ay ciidankaasi shisheeye dalka isaga huleelayaan oo ay amniga guud si tartiib tartiib ah ula wareegayaan ciidamadda SNA.

“Tani waa warbixin been abuur ah, dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in mas’uuliyadda amniga Soomaaliya ay ka qaado ATMIS maadaama ay u xilsaartay UNSC qaraarada 2628 & 2670 marka la gaaro December 31, 2024. Waxaan diiradda saareynaa wixii ka dambeeya ATMIS-ka,” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Si kastaba, wargeyska The East African ayaa lagu daabacay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo in ciidamada ATMIS ay sii joogaan Soomaaliya labo sano dheeraad ah wixii ka dambeeya 31-ka December 2024-ka oo qorshuhu yahay in ay baxaan.

Shir ku saabsan mustaqbalka ciidankaasi ayaa ka socda magaalada Kampala, shirka wuxuu soo bilowday 24-kii bishan, wuxuuna xirmayaa 27-ka isla bishan, waxaa goobjoog ah mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Midowga Afrika, Xarunta Dhexe ee ATMIS, Waddamada ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya sida Burundi, Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Soomaaliya, iyo Wakiillo ka socda Soomaaliya iyo caalamka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More