Madaxweynaha dalka Jabuuti oo loo xiray wadooyinka iyo garoonka Muqdisho.

Dec. 28 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa maanta imanaya magaalada Muqdisho, iyadoo la adkeeyay amniga caasimadda.

Sida wararku sheegayaan, Geelle oo uu wehlinayo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa iney xarigga ka jaraan dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA ee ku taala degmada Shangaani, waxaana xaruntan oo loogu talagalay iney door ka ciyaarto soo nooleynta Af-Soomaaliga dhistay dowladda Jabuuti.

Wadooyinka ugu muhiimsan ee magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo wadada Maka Al-Mukarama aan xitaa socodka dadka loo ogoleyn, waxaana xiran goobihii ganacsiga ee wadadaas.

Hey’adda Duulista Rayidka ayaa sidoo kale maanta hakisay dhaq dhaqaaqyada duulimaadyada ee garoonka diyaaraddaha Caalamiga Aadan Cadde, sababo ku aadan imaanshaha wafuud uu ka mid yahay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo saacadaha soo socda ku soo wajahan Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Muqdisho ay isla maanta kusoo wajahan yihiin wufuud kale oo ka kala socota dalalka Kenya iyo Jabuuti, lama oga ujeedka rasmiga ah ee socdaalkooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More