Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Danjiraha Shiinaha ee dalka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta Kulan la qaatay Danjiraha Dalka China u fadhiya Soomaaliya Mr. FEI Shengchao.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, dhiirogelinta xiriirka ganacsiga iyo horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha Galmudug.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay kulanka iyo guud ahaanba garab istaagga dowladda China.

Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor ayaa ku sugan toddobaadyadii la soo dhaafay caasimada dalka ee Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More