Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo gaaray magaalada Beledweyne

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka ambabaxay magaalada Jowhar ayaa gaaray magaalada Beledweyne.

Cali Guudlawe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Safarka Cali Guudlaawe ee magaalada Beledweyne ayaa hore dhowr jeer dib u dhac ugu yimid, sababo la xiriiray kacdoono looga soo horjeeday imaatinkiisa oo ka jiray magaalada.
Waddooyinka magaalada Beledweyne gaar ahaan wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo xarunta ciidamada Lamagalaay ayaa waxaa xalay xirey ciidamo isugu jira Gorgor iyo kuwa Booliska Haramcad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More