Madaxweynaha Hirshabelle oo kormeeray xarunta lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta loo qorsheeyay inay ka dhacdo Doorashada Golaha Shacabka.
Madaxweynaha ayaa soo indha indheeyay xafiisyada ay ku shaqeeyaan gudiga iyo hoolka ay ka dhici doonto doorashad Xilibaanada Baarlamaanka 11aad ee JFS.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn la kulmay Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Gudiga Maamulka Hirgalinta Doorashooyinka dadban ee Heer Dowlad Goboleed, Hirshabeelle isagoo kula dardaarmay dardargalinta howlaha doorashooyinka.

31ka bishan ayaa lagu wadaa in doorashada golaha shacabka xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay magaalada Jowhar ay ka dhacdo hoolka maanta uu booqday Madaxweyne Guudlaawe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More