Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo muddo xileedkoodii uu maanta dhamaaday  

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo ku xigeenkiisa Cali Cabdulaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” ayaa mudada xil heyntooda waxa ay ku ekeyd maanta oo ah 17ka Oktobar 2020.

Baarlamaanka maamulka Hirshabele ayaa madaxweyne u doortay Cali Cabdulahi Cosoble 17kii Oktoobar 2016, halka Madaxweyne ku xigeen loo doortay Cali Cabdulaahi Xuseen.

Hase yeeshee Baarlamaanka Hirshabelle ayaa waxa uu codka kalsoonida uu kala noqday 14kii Augost 2017dii Cali Cabdulaahi Cosoble oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee dowlad goboleedka Hirshabelle kadib markii qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ay mooshin ka gudbiyeen.

Kalsooni kala noqoshada kadib ayaa waxaa la qabtay doorasho labaad taasoo uu ku guuleystey Maxamed Cabdi Waare oo hore doorashada Madaxweynaha loogaga adkaaday.

Maxamed Cabdi Waare oo haatan ah sii hayaha Madaxweynaha Hirshabelle ayaa  waqtiga uu ka dhamaaday isagoo ka maqan Hirshabelle,waxana uu mudadii uu xilka hayay ku qaatay intiisa badan caasimada dalka ee Muqdisho.

Mudada xilhaynta ayaa waxaa sidoo kale toddobaadkii hore ay ka dhacday guddoomiyaha baarlamaanka,ku xigeenadiisa iyo weliba xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle.

Si kasta ha ahaatee waxaa socda dadaalo lagu doonayo in lagu soo dhiso baarlamaan 2aad  kadibna ay dhacdo doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Hase yeeshee waxaa jira khilaaf salka ku haya cidda u tartamaysa Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle iyadoo mid ka mid ah beelaha  dega Hirshabelle ay ku doodeyso inay xaq u leedahay xilka madaxweynaha Hirshabelle,halka fikirkaasna ay beelo kale ay ka soo horjeesteen, ayna doonayaan in muwaadin kasta oo ka soo jeeda Hirshabelle uu u tartamo  xilka Madaxweynaha.

Waxaa maanta gaaray magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Haramcad halka ay hore u gaareen inta badan xildhibaanada Hirshabelle iyo guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle.

Waxaa la rajeynayaa in qaar ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ay gaaraan magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle maalmaha soo socda kadibna ay gudo galaan soo xulista xildhibaanada baarlamaanka 2aad ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More