Madaxweynaha Jabuuti oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Salaad Cali Jeelle

Madaxweynaha Dalka Jubuuti Ismail Omar Geelle ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee soomaaliya u fadhinaya Dalkaasi, Salaad Cali Jeelle.

Guddoonka warqadaha aqoonsiga oo ka dhacday Madaxtooyada Jabuuti ayaa waxaa goobjoog ka ahaa diblumaasiyiin ka socota dowlada Soomaaliya iyo saraakiil ka socotay dowlada Jabuuti.

Danjire Salaad Cali Jeelle ayaa warqadahiisa aqoonsiga gudbiyay maalin kadib markii magaalada Jabuuti lagu soo gabagabeeyay shirweyne ay ka soo qeybgaleen madaxda xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More