Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo ka dagay degmada Afmadow

Nov 30 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta gaaray Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose oo kamid ah meelaha ay ku dhufteen daadadka iyo fatahaadaha ka jira Jubaland.

Madaxweynaha ayaa halkaas u tagay si uu ugu kuur galo saamaynta dhibaatada ka jirta deegaanka gaar ahaan sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka ay saamaysay daadadka iyo fatahaadaha ka jira guud ahaan deegaanada Jubaland.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More