Madaxweynaha Jubaland oo gaaray degmada Ceelwaaq oo doorasho ka socoto

April 22 (Jowhar.com) -Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta gaaray Gobolka Gedo halkaas oo ay kasocoto doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo baxaya deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Ceelwaaq kusoo dhaweeyay qaar kamid ah golaha wasiirada iyo maamulka Magaalada.

Intaasi kadib Waxa uu Madaxweynahu tagay halka ay ka socoto doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee lagu dooranayo Xildhibaanada loo asteeyay gobolka Gedo inay ku matalaan Baarlamaanka JFS.

Madaxweynahu wuxuu goob joog ka ahaa doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta maanta lagu doortay Degmada Ceelwaaq isagoo u kuur galayay habsami u socodka doorashooyinka, iyadoo Madaxweynahu uga mahad celiyay guddiyada doorashooyinka ee kala duwan dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay howshan ku bixiyeen.

Axmed Madoobe ayaa mudooyinkii la soo dhaafay aaney tagin deegaanada gobolka Gedo, halkaas oo ay degmootinkiisa ugu badan ay maanulaan xubno taabacsan Villa Soomaaliya.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More