Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay Safiirka Itoobiya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” ayaa kula kulmay magaalada Muqdisho safiirka Itoobiya u jooga dalka Soomaaliya Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.
Kulankan ayay labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaalada Soomaaliya ee xilligan iyo dardar gelinta howlaha doorashooyinka ee heshiiska laga gaaray iyo xiriirka wadashaqeyneyd ee dowladda Itoobiya iyo Maamulka Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa u mahadceliyay safiirka Itoobiya u fadhiya ee Soomaaliya sida ay u taageerayaan arrimaha Soomaaliya iyo dadaalada ay ku bixiyaan horumarka Soomaaliya

Sidoo kale Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in ay Itoobiya ay taageersan tahay heshiiska ay wada gaareen madaxda Soomaalida iyo islamarkaana ay si weyn ula shaqeyn doonaan maamulka Jubbaland

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More