Md Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay Wafdi ka socda Bangiga Adduunka

July. 30 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiin ka socday Bangiga aduunka oo uu hogaaminayay ku xigeenka madaxa Bangiga aduunka ee Soomaaliya ahna maamulaha mashaariicda Mattias Mayr.


Kulanka ayaa loogaga hadlay dardar galinta mashaariicda kala duwan ee uu maalgaliyo Bangiga aduunka iyo bilowga Kuwa qorshayntoodu ay hada socoto ay kamid yihiin dhismaha waddooyinka, kaabayaasha shaqaalaha iyo hormarinta adeegyada kale ee bulshada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More