Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo magacaabay Wasiiro iyo Wasiir Ku xigeeno

July 26 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa magaacabay wasiiro iyo ku xigeeno iyadoo la isku badalay Wasaaradaha qaar.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Maamulka Jubbaland loogu magacaabay Cabdiraxmaan Cabdi Axmed halka ku xigeenkiisana loo magacaabay Faarax Muqtaar Daa’uud.

Sidoo kale Wareegtadan ayaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka loo magacaabay Axmed Xasan Cumar, halka ku xigeenkiisana loo magacaabay Maxamed Cusmaan Jaamac.

Dhinaca kale,Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Maxamed Cumar Yusuf u magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Dhoobley sidoo kale waxaa Madaxweynahu uu Cabdinuur Wali khaliif u magaacay Garsoore in uu ka noqdo maxkamada Degmada Dhoobley.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More