Madaxweynaha Kenya oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Amb Jibriil Cabdulle

Dec 07 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhiya Nairobi Ambassadoor Jibriil Cabdulle oo dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay xilkaas.

Ambassador Jibriil ayaa madaxweynaha Kenya warbixin ka siiyay xaalada guud ee Soomaaliya iyo qorshihiisa xoojinta xiriirka labada dowladooda oo soo hagaagayay tan iyo dib u doorashadii madaxweyne Xasan.

Amb Jibriil Cabdulle oo kasoo shaqeeyey nabdeynta iyo dib dhiska dalka tan iyo xilligii Burburka horane Musharrax madaxweyne usoo noqday ayaa dhawaan loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, waxa uuna bedelay Amb  Tarsan oo hore u ahaa safiirka Soomalaiya Kenya u fadhiya.

Mudane Jibriil ayaa la filayaa inuu dib boorka uga jafo safaarada, isagoo durba bilaabayo kulamo uu la qaadanayo shaqaalaha safaarada iyo Soomaalida ganacsiyada kala duwan ku leh wadankaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More