Madaxweynaha Koofurgalbeed oo gaaray magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa ugu dambeyn galabta soo gaaray magaalada Muqdisho, isaga oo ka qeyb galaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxanaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Maamulka Gobolka Banaadir, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Senataro iyo Xildhibaano.

Lafta Gareen ayaa todobaadkii hore si cad u diiday inuu ka qeyb galo shirka Wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha, isagoo xusay inuu ka qeyb galayo shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku baaqay, oo ahaa mid lagu dhabar jebinayay shirka uu horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ku wada sugan dhammaan Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada,balse illaa iyo hadda lama shaacin waqtiga uu bilaabanayo shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More