Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay safiirada Mareykanka iyo UK

 

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Muqdisho kulan kula qaatay Safiiradda Dowlada Ingiriiska iyo sii hayaha Safaarada Mareykanka.

Madaxweynaha iyo Safiirada oo kulankooda sido kale ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Agaasimaha Madaxtooyada ayaa kaga wada hadlay xaaladda dalka uu marayo dhinacyada Amniga,doorashooyinka iyo Abaaraha.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin dhamaan madaxda dowlad goboleedyada dalka,kuwaasoo caasimadda u yimid ka qeyb galka shirka golaha wasatashiga qaran,waxaana fashilmay isku day uu Farmaajo ku damacsanaa inuu ku baajiyo shirkaasi.

Lafta-gareen ayaa xubnaha uu la kulmay warbixin ka siiyay xaalada amni ee deeganada maamulkiisa iyo dadaalada ay ugu jiraan sidii ay u qaban lahaayeen doorasho daah furan oo lagu qanacsan yahay, iyadoo maamulkiisa ay kamid tahay meelaha ay qeyla dhaanta ka soo yeertay ee doorashada aqalka hoose

Inkastoo aan wali la shaacin xiliga rasmi ahaan uu furmayo shirkan, hadana waxaa socda kulamo loogu gogol xaarayo shirkaasi, iyadoo wakiilada beesha caalamka ay madaxda Soomaalida ku cadaadineyso iney ka mira dhaliyaan shirkan,maadaama waqti uusan jirin,doorashadana dhowt jeer ay xiligeeda dib uga dhacday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More