Madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyey Weriye Kilwe Aadan

Wareegto goordhaw kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cafis Madaxweyne loogu fidiyay Wariye Kilwe Aadan Faarax oo ku xiran xabsi ku yaala magaalada Garowe.

Wariyaha cafiska goordhaw loo fidiyay ayaa horey loogu eedeeyay in uu sameeyay barnaamijyo kicin ah , waxaana Madaxweyne Deni horey u sheegay Wariyahan in uu yahay dambiile lana marsiinayo cadaalada.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa saddex sano o xarig ah ku xukuntay weriye Kilwe Aadan.

Halkan ka Akhriso Wareegtada Cafiska Madaxweyne uu fidiyay Siciid Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.13 Maarso 22, 2021, kuna saabsan fidin Cafis Gaar ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadiisa 11aad

Markuu arkay: Qodobka 149-aad. ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa cafis Madaxweyne oo gaar ah loo fidiyey Xukumane Kilwe Aadan Faarax

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More