Madaxweynaha Puntland oo Garowe kula kulmay Xildhibaan Ilhaan Cumar

Dec. 22 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Madaxtooyada Garowe ku qaabilay Xildhibaan Ilhaan Omar oo ka mid ah Congress-ka Maraykanka oo booqasho maalmo ah uga bilaabatay Puntland.

Soo dhoweynta Xildhibaan Ilhaan Cumar waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Goleyaasha Dowladda , Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka, Ururada Bulshada iyo Qeybaha Kala duwan ee Shacabweynaha Garoowe.

Waa markii labaad ee ay Ilhaan Cumar tagto Garowe tan iyo markii ay gashay siyaasadda maraykanka.

Ilhaan waxay hore u soo martay magaalada Nairobi oo ay kula kulantay qaar ka mid ah Soomaalida halkaa ku nool.
Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda booqasho ku timaado caasimada dalka ee Muqdisho .

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More