Madaxweynaha Puntland oo kulan la yeeshay safiirka Jabuuti

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta la kulmay Safiirka Jabuuti ee fadhiya dalka Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Saciid Deni iyo Danjire Aadan ayaa waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladda dalka Soomaaliya marayo gaar ahaan arrimaha doorashada ee khilaafka uu taagan yahay.

Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan ayaa Madaxweynaha Puntland u sheegay in muhiim ay tahay in heshiis laga gaaro khilaafka ka jira qabsoomida doorashada dhaceysa, isla markaana wax kasta lagu dhameeyo wada-hadal.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulamo kala duwan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka, siyaasiyiin iyo Musharaxiin, isagoo kala hadlay doorashada iyo Arrimo kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More