Madaxweynaha Puntland oo maanta xarigga ka jaray Waddada NECSOM “Sawiro”

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarigga ka jaray Wadada NECSOM oo isku xirta Jidka 30-ka iyo Laamiga weyn ee Garoowe ku xira magaalooyinka kale ee Puntland.
Wadadan cusub ee laamiga ah ayaa kharashka ku baxay waxaa dhammaantiis bixisay Dowladda Puntland, waxayna ka mid aheyd 4 Waddo oo Madaxweyne Deni dhaggax dhigay 7-June 2021.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Kormeeray Garoonka Diyaaradaha Gen Maxamed Abshir ee Garoowe.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta iyo Saraakiisha Garoonka, waxaana uu boggaadiyay sida wanaagsan ee habsamadi leh ee ay u socoto shaqada garoonka ee joogtada ah iyo tan qorshaha horumarinta garoonka.Madaxweyne Deni.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More