Madaxweynaha Puntland oo ugu baaqay in dowladda ciidankeeda kala baxdo Gobolka Gedo

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa khudbad ka jeediyay shirka Somalia Partnership Forum, isagoo uga qeyb galay qaabka Online-ka ee Zoom-ka.

Khudbada uu ka jeediyay Saciid Deni ayaa ahaa kuwo dhinacyo kala duwan taabaneysay, waxaana mida ugu muhiimsan ay aheyd arrinta doorashada.

Saciid Deni ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay ciidamada ay u dirtay Gobolka Gedo ka soo saarto, si Jubbaland doorasho uga qabato.

Waxaa uu kaloo ka hadlay arrinta tabashada ka jirta Guddiyada doorashada, waxaana uu soo hadal qaaday Guddiga doorashada Somaliland inuu noqdo mid loo dhan yahay oo wadatashi ku yimaada, taasoo ay qeyb ka yihiin xubnaha saamileyda ee ka soo jeeda Somaliland.

Saciid Deni ayaa soo jeediyay in dib u eegista Dastuurka dib loo dhigo doorashada kaddib, si loogu helo waqti ku filan oo looga baaraandago.

Sidoo kale waxaa uu walaac ka muujiyay arrinta shidaalka, gaar ahaan waxaa uu ugu baaqay in aan lagu degdegin illaa sharciyan looga heshiinayo.

Hadal jeedinta Madaxweynaha Puntland ayaa aheyd mid la wada sugayay, waxaana uu ku baaqay in shir degdeg ah la isugu yimaado, si xaliyo tabashooyinka la xiriira doorashada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More