Madaxweynaha Ruushka oo ka guddoomay safiirka Soomaaliya warqadaha Aqoonsiga danjarinimo

Madaxweynaha wadanka Ruushka Vladimir V. Putin ayaa warqadaha aqoonsiga danjire-nimo ka guddoomay safiirka Cusub ee Soomaaliya u magacowday dalkaasi Ruushka Mudane Xasan Cabdi Daauud.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay aqalka madaxtooyada dalka Ruushka ayaa madaxweyne Vladimir V. Putin waxaa uu qudbad ugu jeediyay safiirada cusub ee uu aqoonsiga ka guddoomay kuwaa oo gaaraya 21 danjire oo ka kala socday dalal ka duwan oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Mudane Xasan Cabdi Daauud ayaa ka shaqeynaya kor u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalka Ruushka gaar ahaan dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha, waxbarashada, cafimaadka, ganacsiga iyo ciidamada .

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More