Md Somaliland oo si lama filaan ah uga hadlay jabhada ka dilaacday buurta Gacan-libaax

July. 30 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay ka hadlay dablaydii dhawaan isku urursatay buurta Gacan-libaax.

Muuse Biixi waxa uu hoos u dhigay saameynta dableydaasi, wuxuuna sheegay inaaney howshu eheyn sida ay u buun buunineyso warbaahinta.

“Anuu waxan aaminsanahay in anay wax dhibaato ahi dhacayn, oo anay kabadnayn xafiiltan siyaasadeed oo marka doorasho la galayo isla leh” Madaxweyne Biixi ayaa sidaa ka sheegay madal lagu soo bandhigayay buug laga qoray Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo).

Muuse Biixi Cabdi ayaa dhinaca kale tilmaamay iney ku dadaalayaan sidii loo qancin lahaa dadkaasi buurta Gacan Libaax isku uruursanayo oo la qancin doono.

Si kastaba, Muranka doorashooyinka ayaa wali ka taagan Somaliland, iyadoo laga warsugayo halka uu xisbiga Waddani iska taagi doono jadwalkii doorashada ee dhawaan soo baxay, halka UCID uu ku kala jabay, xukuumada iyo ururaduna u sacabo tumeen

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More